Shaqaaluhu waa lafdhabarka Ganaciga, Horomarintooduna waa u muhiim Ganacsigaaga
BY Abdul Moalim, Hospitality Training Consultant & Founder of Martisoor Group.
Ujeedka ugu horeeya ee milkiilaha ganacsiga waa inuu faa’iido, magaca, iyo maqaamba ka helaa ganacsigiisa, si uu milkiiluhu ugaaro inta uu hiigsanaayana waxaa jira arrimo badan oo uu u baahan yahay innuu fahmo, oo ey ugu horeeyso qiimaha ey ganacsiga u leedahay , Doorasha, Tababarka, iyo Kasbashada Shaqaalihiisa. Sida aanu ognahay qofkii alle siiyo wuu dhisan karaa dabaqyo dhaadheer, wuuna ka buuxi karaa alaabo qaali ah, balse waxaa xaqiiqa ah in waxa magaca iyo faa’dadaba uyeela ganacsiga ey tahay shaqaalle dhinac walba looga hagar baxay.
Shaqaaluhu waa lafdhabarka ganacsiga, waana miraayada macaamiishu ka dhax arkaan sida ey u diyaarsan yahiin aqoon xirfadeed iyo maal gelinba maamulka iyo milkiilaha ganacsiga.
Sidaas darteed ayuu shaqaaluhu yahay milkiilaha iyo maamulkaba indhaha maacaamiisha uu u adeegayo, taasuna waxey lagama maarmaan ka dhigeysaa in Milkiilaha iyo Maamulkuba hanti iyo waqti geliyaan tababar joogto ah iney siiyaan shaqaalahooda si ey u haqabtiraan adeega iyo baahida macaamiisha timaada goobaha ganacasiga, isla markaan shaqaaluhu helaan xirfado badan oo ey ku heli karaan kalsoonida, iyo xalinta cabasha macaamiishooda.
Tababarka shaqaaluhu wuxuu ka koobmaa Maqal ( marka ey Telefonka kula hadlayaan macaamiisha), Muuqaal ( marka ey shaqaaluhu hortaagan yihiin macaamiisha) iyo weliba sida ey shaqaaluhu ugu diyaarsanaan karaan culeys iyo su’aal kasta oo uga imaan karta macaamiisha.
Silsilada Ganacasiga ee ah: Shaqaalaha~Macaamiidha~ Milkiilaha, waxey ka turjumeysaa isku xirnaanta seiyo weliba sida in mid walba horumarkiisa iyo farxadiidu ku xiran tahay guusha midka kale, talaabada ugu horeysaahuna tahay in shaqaalaha daryeelkooda la hormariyo haddii ey noqoto dhinaca Dhaqaalaha, Caafimaadka, Nabad qabkooda ( Marka Ey Shaqada Joogaan) iyo weliba dhinaca kor uqaadka aqoonta shaqada ey qabtaan taasoo u baahan tababaro joogta ah si ey ula socdaan is bedelada joogatada ah ku imaanaya ganacsiyada iyo weliba Heyadaha Dalxiidka Aduunka.
Kasbashada kalsoonida shaqaalahaagu kuma xirna dhaqaalaha maaliyadeed ee la siiyo, waxaa ka muhiimsan ixtiraamka, aaminaada iyo umuujinta qiimaha ey ganacsiga ku leeyihiin, weliba xasuusinta mar walba sida ey lafdhabarta ugu yihiin ganacsiga.
Kasbashada shaqaalaha… mudda badan joogay waa mid kalsooni gelineysa macaamiisha iyo shaqaalaha cusubba.
Sidoo kale in ganacsigu leeyahay Barnaamijyada Dhiirigelinta Shaqaalaha ( sida ku bogaadinta shaqaalaha marka ey si hufan u gutaan shaqadooda, qeyb ka ahaanshaha faa’iidada ganacsigu hello sanadkiiba, iwm), waa mid ayaduna door weyn ka qaadata kasbashada shaqaalahaagu in ey noqdaan kuwa iska dhex arka lahaanshaha ganacsiga ey ka shaqeeyaan.
Waxaa kaloo loo baahan yahay in ganacsigu leeyaha sharciyo qoran (Mar walbana shaqaaluhu awoodaan iney akhristaan) oo u sahlaya shaqaalaha haddii ey qabaa cabashooyin dhinac walba ah iney awoodaan gudbinta cabashadooda, ayagoon ka cabsaneynin arin aargudasho (sida in la ciqaabo amaba shaqada laga raacdeeyo), sidoo kale ganacsigu waa inuu lahaadaa sharciyo shaqaalaha ka difaaca dhibka uga imaan kara macaamiisha , shaqaalaha lake iyo weliba maamulka qaarkood. arintaani waxey muhiim u tahay Milkiiha iyo maamumulka koreba iney u sahasho iney la socdaan xaaladda guud iyo midda hooseba ee goobaha shaqada iyo shaqaalaha, taasoo muhiim u ah jiritaanka iyo horumarka ganacsigooda.
Waxaa ayaduna ka mid ah horumarinta shaqaalaha in aad marka hore ka dhaadhiciso shaqaalahaaga macluumaadka iyo qiimaha ey xambaarsan tahay shaqaalahaaga waxyaabaha aad ku iibiso ganacsigaaga ( sida qolalka ka duwan ee hotelka, cuntada kala duwan), waa in shaqaalahadu eysan kaliya noqon kuwo cuntada ka qaada meel – ee meel kale geeya, basle ey noqdaan kuwo yaqaan, sida cuntada ey iibiniyaan u dhadhanto, waxa laga sameeyey, goorta la sameeyey, qofka sameeyey khibrada uu u leeyahay cunta diyaarinta iyo karintaba , weliba inuu sharixi karo sababta cuntadaasu ugu fiicanatahay midda ganacsiga taala, sidaaasna shaqaaluhu wuxuu ku noqon karaa inuu ka mid noqdo tala bixinta iyo go,aan gaarida arrimaha ku saabsan ganacsiga.
Martisoor Group: waxay bixisaa tababaro xirfadeed oo ku saabsan xirfadaha adeegga macaamiisha, kuwaas oo loogu talagalay in lagu dhiso shaqaale kalsooni leh, xirfadna u leh shaqadooda hoteelada, maqaayadaha, iyo goobaha ganacsiyada kale.
Martigelintu waa ka badan tahay shaqo—waa xirfad lagu dhiso kalsooni, ixtiraam, iyo adeeg heer sare ah. Tababarka saxda ah, waxaad ganacsi iyo qof ahaanba kaga dhex muuqan kartaa kuwa kale, si xirfad leh ayaad u gaari kartaa Meesha aad higsaneydo, waxaana kuu furimi kara albaabo fursado cusub leh.
Abdul Moalim waa Aasaasaha iyo Agaasimaha Guud ee Martisoor Group, isagoo leh in ka badan 36 sano oo waayo-aragnimo heer sare ah oo ku saabsan maareynta iyo waxbarashada martigelinta. Intii uu shaqeynayay, wuxuu hoggaamiyay hawlgallo kala duwan, dhisay kooxo wax-qabad sare leh, isla markaana ka qayb qaatay tababarka iyo hagidda jiilka cusub ee xirfadlayaasha warshadda.
Waxaa lagu aqoonsaday hoggaan aragti fog iyo ka go’naan heer sare, wuxuuna helay abaalmarino ay ka mid tahay Abaalmarinta Hoggaaminta Gaarka ah. Khibraddiisu waxay ku saabsan tahay maareynta hawlgallada, qorsheynta istiraatiijiga, horumarinta hoggaaminta, iyo tababarka martigelinta.
Nagala Soo Xariir Qadkaan Hoose Si Shaqaalahaadu Tababar Sax Ah u Helaan:
👉 Dalbo Qiimo Gar u Ah Baahida Tababarka Ganacsigaaga
👉 Booqo koorsooyinkayaga oo bilow safarkaaga horumarinta xirfadeed maanta:
Tabarka Martigelinta iyo Horumarinta Hogaaminta Xirfadadeed | Martisoor Group
👉 Halkaan Iska Diiwaan Geli : Si Aad U Hesho Qoraalo Iyo Macluumaad Cusub Bilwalba
Ra’yigaagu waa u muhiim bloggeena